Taliyaha Ciidanka Booliska Jsl Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Askari Lagu Diley Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Booliska Jsl Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Askari Lagu Diley Magaalada Hargaysa.
October 5, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sareeye guuto maxamed aadan saqadhi “dabagale” iyo saraakiil katirsan ciidamada booliska ayaa ka qaybgalay aas qaran oo maanta magaalada hargaysa loogu sameeyey askari ciidanka booliska katirsanaa oo habeen dhawayd nin budhcada moobilada dhacdaa ku diley hargaysa kaasi oo gacanta lagu soo dhigay

Saraakiisha ciidanka iyo taliyaha oo ka hadlay aaska marxuum dable Cadnaan ayaa sheegay in sharciga la horgayn doono gacan ku dhiiglaha iyagoo dadwaynahana ka codsaday in ay ciidamada la sheeqaan marka ay ku jiraan hawlgalada Abni.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS