Taliyaha Ciidanka Booliska Jsl Oo Ka Hadlay Askari Lagu Dilay Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Booliska Jsl Oo Ka Hadlay Askari Lagu Dilay Magaalada Hargaysa.
October 4, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Taliyaha ciidanka booliska somaliland Ayaa ka hadlay askari cìidanka booliska katirsanaa oo nin budhcada moobilada dhacdaa ku diley magaalada hargaysa.

Taliyaha ciidanka Booliska jsl Sareeye Gaas Maxamed Aadan “Dabagale” ayaa qoraal lagu Baahiyay boga ciidanka BOOLISKA Somaliland kaga hadlay askari Katirsanaa ciidanka Booliska Oo saaka Nin Budhcada Moobilada dhacdaan oo Ku hubaysnaa Tooray uu ku diley Magaalada Hargaysa, xili Marxuumku Ku jiray hawlgal. Wuxuna  udhignaa sidan:

“INAALILAAHI WA INAA   ILAYHI RAAJUCUU”.

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi waxa uu Tacsi u dirayaa Isago ku hadlaaya Magaciisa iyo ka Ciidan weynaha Booliska qoyskii,qaraabadii,Ciidankii iyo qarankii uu ka baxay Alle hawnaxariste Askari Pol Dable Cadnaan Axmed Cabdi Oo Eedaysane Sakariye Maxamed Aadan uu Saaka ku dilay Hargeysa.

Eedaysane Sakariye Maxamed Aadan ayaa dilka Askarigan u adeegsaday Tooray uu kaga dhuftay laabta.

Eedaysanahan Ayaa ahaa budhcad Aalaaba Caadaystay Dhaca moobilada iyo jidgoyada Dadka waxaana wakhtigaas uu toorayda ku dhuftay Askarigaasi ku jiray hawlgal iyo shaqo qaran oo uu ku soo qabanaayay Eedaysanhan Oo mobile ka qaaday dad shacab ah  isaga iyo  koox la socday.

Eedaysanaha ayaa markii uu falka geystay isku dayay inuu baxsado balse Ciidanka Booliska ayaa markiiba ka jawaabay oo gacanta ku soo dhigay waxaana uu Wakhtigan ku jiraa xarunta Dambi baadhista Ee (C I D).

Ugu Dambayn Ciidanku waxa uu u gudbin dontaa Eedaysanaha Xeerilaalinta iyo Maxakamada Si ay waajibaadkoga qaran uga Gutaan.

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL.

COMMENTS
LINKS