Shaqaaqo Ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jig jiga Oo Sobobay Dhimashada Xildhibaan Juweeriya Oo Katirsanayd Baarlamaanta DDS Iyo Dhaawaca Dad Shacab Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqaaqo Ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jig jiga Oo Sobobay Dhimashada Xildhibaan Juweeriya Oo Katirsanayd Baarlamaanta DDS Iyo Dhaawaca Dad Shacab Ah.
October 25, 2022 - Written by Editor:

JIGJIGA(W,N)-Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Jig jiga Ee caasimada DDSI  ayaa Waxaa ka dhacday isku dhac taasi oo at  rasaas ay furmeen ku dhacay  xildhibaanad iyo dad kale oo shacab ah.

Xildhibaan Juweriya Subcis oo ka tirsanayd Baarlamaanka Deegaanka Soomaalida ayaa ku geeriyootay rasaas uu furay Askari ka tirsan Ciidanka Federaalka Itoobiya oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo soo gaadhey dad kale oo ku sugnaa Gudaha Garoonka, kuwaasi oo ah dad Soomaaliyeed.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay sababtay muran soo kala dhex-galay Askari Soomaali ah iyo Midka Xabashiga ah ee rasaasta furay.

Ma jirto ilaa hadda cid ka tirsan Maamulka Deegaanka Soomaalida oo ka hadashay dhacdadan.

 

 

COMMENTS
LINKS