Shacabka Somaliland Oo Waajahaya Khatarta Xanuunka XUMADDA Iyo Mooganaanta Wasaaradda Caafimaadka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacabka Somaliland Oo Waajahaya Khatarta Xanuunka XUMADDA Iyo Mooganaanta Wasaaradda Caafimaadka!
October 30, 2022 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)-Shacabka Somaliland, ayaa waajahaya khatarta Xanuunka Xumadda.

Xanuunka Xumadda oo la sheegay inay sababto nooc ka mid ah Kaneecadu, ayaa si aad ah ugu faafay Gobollada iyo degmoyinka Somaliland, waxaanu ku dhacayaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada, sida Carruurta, Dumarka Hooyooyinka ah, Waayeelka iyo dhallinyarada.

Xanuunkan oo khatartiisu badan tahay, ayaa qofka uu ku dhaco wuxuu ka abaarayaa dhiigga, isagoo la dagalaamaya Xinjirowga dhiigga, taasi oo keenaysa In dadka qaar uu Sanka dhiig ka yimaaddo, halka uu qaarkoodna Madaxa kaga samaynayo Xinjir, taasi oo sababaysa in Qofku uu si deg-deg ah Koomo u galo.

Xanuunkan ayaa la sheegay inuu labadii bilood u dambeeyay uu Dadkii ugu badnaa ku dilay Somaliland, ayaan illaa hadda ku fidaya xawaare, waxaana Cisbitaallada Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay buuxiyey bukaano la il-daran Xanuunka Xumadda.

Tusaale ahaan, Hargeysa oo ah Caasimadda Somaliland isla-markaana ka mid ah Magaalooyinka uu dadka ugu badan ku soo ritay, waxa buuxsamay Cisbitaalkeeda guud.

Maaddaama oo dadka qaba  xanuunkan ee Cisbitaalka la keenayaa badan yihiin, waxa buuxsamay Sariirihii yaallay Waadhadhka Cisbitaalka, taasina waxay keentay in Dadka la jiifiyo Waadhadhka dibeddooda, si ay dhakhaatiirtu ugu adeegaan isla-markaana loola tacaalo xaaladahooda Caafimaad, taasi oo muujinaysa heerka uu Xanuunku ka marayo Dalka iyo dhibaatada uu Bulshada ku hayo.

Xanuunkan Xumadda oo aan illaa hadda loo haynin daawo Rasmiya oo lagula dagaalamo, ayaa dhakhaatiirtu waxay si ku meel-gaadh ah bukaannada u siiyaan Daawada loo Yaqaano ‘Baarasimool’, taasi oo u qaybsanta Irbad iyo Kiniin, halka dadka aadka u darana lagu rakibo Insuliin.

Inkasta oo xanuunkani uu dalka geliyey xaalad khatar ah, waxaan illaa hadda si faahfaahsan uga war-bixin isla-markaana aan bulshada wacyi-gelin siinin Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, balse Dadweynuhu waxay isku maaraynayaan si iskood ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa xilligan ay dadkii dalkiisu khatarta waajahayaan ku  mashquulsan safarro siyaasadeed oo uu ku marayo Gobollada bariga Dalka, isagoo ka qayb-qaadanaya dhaqdhaqaaqyo uu Xisbiya haya talada Somaliland halkaa ka wado, halka Agaasimihii guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye uu dalka dibeddiisa socdaal ku joogo.

COMMENTS
LINKS