Raysal-wasaare Abiye Axmed Oo Lagu Soo Dhaweeyay Beeraha Dalxiiska Ee DDS Iyo Goobihii Cajiibka Ahaa Ee Uu Booqday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Raysal-wasaare Abiye Axmed Oo Lagu Soo Dhaweeyay Beeraha Dalxiiska Ee DDS Iyo Goobihii Cajiibka Ahaa Ee Uu Booqday!
October 9, 2022 - Written by Editor:

DHAGAXLE(W,N)-Madaxda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ayaa Si Balaadhan ugu Soo Dhaweeyey Raysal-wasaaraha Dalka Ethiopia Deegaanka beeraha ee  Dhagaxle.

Guddiga Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo ee Dalka Ethiopia oo uu Horkacayo Raysal wasaare Abiye Axmed ayaa Booqasho ku Tagay Beerta weyn ee Dalxiiska ee Ganacsade Xaaji Axmed-yaasiin Maxamuud Cabdilaahi Iyo Mashruuca Iskaashatada beeralayda Maan-Raac ee Deegaanka Dhagaxle.

Soo dhaweyn balaadhan oo loo Sameeyay waftigan Sare ee ka socda Xisbiga Talada Dalka Ethiopia haya ee Barwaaqo Islamarkaana uu horkacaayo Raysal-wasaare Abiye Axmed kadib waxa Hadhimo Sharafeed Heer-sare ah loogu Sameeyay Isla Beerta Beerta weyn ee Dalxiiska ee Ganacsade Xaaji Axmed-yaasiin oo ay In Mudo ah ku Nasteen.

Geesta kale waxa ay Waftigani booqdeen Xerada Geela Farax ee deegaanka Caro-caska ee Degmada Shabeelay halkaasi oo loogu caano lisay qadar nasasho ahna ay ku qaateen.

Booqashada Raysalwasaraha dalka Ethiopia Dr Abiye Axmed iyo Madaxda Dawlada Deegaanka Soomaalida oo ugu horeeyo Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa ahayd mid ay ugu kuur galayeen xaalada dadka Iyo Deegaanada Beeralayda oo ay aad ugu amaaneen wax soo saarka dalagyada kala duwan, xili dunida inteeda badan ay wakhtigan ka jirto Abaaro iyo cuno yaraan ba’ani.

 

COMMENTS
LINKS