|
|||||
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay In La Soo Gabo Gabaynayo Dagaalka Gobolka Tigray
October 21, 2022 - Written by Editor:ADIS ABABA(W,N)-Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dagaalka ka socda gobolka Tigray-ga uu dhammaan doono, nabadna la gaari doonto. Hadalkan ayuu jeediyay khamiistii mar uu furay xarunta horumarinta dadka leh hal abuurka ee dowlad deegaanka Oromia ee katirsan Itoobiya. “Xaaladda waqooyiga Itoobiya way dhammaan doontaa, nabadna waa la heli doontaa, ma sii wadi doonno dagaalka weligeen, waxaan aaminsanahay in muddo kooban gudahood aan ku xero gelin doono walaalaheen Tigrayga, iyadoo la shaqeynayo nabadda iyo horumarka,” ayuu yidhi Abiy. Wuxuu ku booriyay dadka Itoobiya inay ka wada shaqeeyaan horumarka dalka, oo aan lagu kala qaybin isir iyo diin. Maalintii Khamiista ayay ahayd markii dowladda Itoobiya ay aqbashay casuumaad uu Midowga Afrika u fidiyay, si ay uga qayb-gasho wada-hadallada nabadeed ee 24-ka Oktoobar ka dhacaya dalka Koonfur Afrika. Wada hadaladan, ayaa loogga gol leeyahay soo afjarista dagaallada ay ku dhinteen dad aan tiradooda la sheegin, malaayiin kalena ay ku barakaceen. Wuxuu kusoo beegmay hadalkani isla maalint ay fallaagada Tigreegu ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya iyo Ereteriya inay ku dileen toddobo dhallinyaro magaalo ay ciidammada federaalku qabsadeen Talaadadii. Related posts:Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Xildhibaanada Ku War galiyay In Maalinta Bari Ah Uu Furimooda Fadhig... Maayarka Magaalada Gabiley Iyo Waftigii Uu Hogaamiyay Oo kulamo La Qaatay Madaxda Gobolka Wales Ee D... Xukuumada Somaliland Oo Kulan Deg Deg Ah La Yeelatay Wadamada Shisheeye Ee Xafiisyada Ku Leh Dalka! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|