|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Xildhibaan Muxumed Aw Axmed Oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
October 9, 2022 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 09/10/2022 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/10/2022 Cusbitaalka guud ee caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha Baarlamaanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir . Related posts:GUDAHA KA AKHRI; Axmed Siilaanyo Iyo Kacaan Beeleed Kiisu Qodobada Ay Ku Guuleysteen Ee Dhinaca fede... Gaadiidlayda Iyo Muruq-maalka Magaalada Wajaale Oo Bayaan Ay Kaga Cabanayaan Ganacsato Shaqadoodii ... DAAWO;-Shirkada Dabacaada Casriga Ee Sagal Jet Oo Abaalmarino Gudoonsiisey Qaar ka Mid ah Shaqaalahe... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|