|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Gudoomiyihii Televisionka Horyaal Oo Ku Geeriyooday Dalka Itoobiya.
October 22, 2022 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 22/10/2022. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda Saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo ku geeriyooday dalka Ethiopia caawa oo ay taariikhdu ahayd 22/10/2022. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suxufi waayo arag ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba, xilal kala duwana u soo qabtay Qaranka Somaliland, intii danbena mihnaddiisa warbaahineed ugu adeegayey shacbiga iyo dalkiisaba. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:DAAWO;-Suldaan Maayarada Gabiley Iyo Berbera Ku Bogaadiyay Wax Qabadka Ay Ku Talaabsadeen+ Fariina U... Daawo:Musharax Tarsan Oo Ka Hadlay Mawqifka Somaliland Iyo Waxa Uu Ka Aaminsan Yahay Goooni Isu Taag... Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Waxa Ay Isha Ku Haysaa, Xiisadda Amni Ee Kasoo Cusboonaatay Mari... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|