Madaxwaynaha DDS Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Tog-wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha DDS Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Tog-wajaale.
October 29, 2022 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wafti uu Hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiir Dawlaha Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee JDFI Ambassador Asfow Dingamo iyo Wasiirka Xafiiska Biyaha mudane Xasan Maxammed Xuseen ayaa lagu Soo dhaweeyay Magaalada Tog wajaale Ee dhinaca Itoobiya halkaasi oo ay ka dhagax-dhigeen billowga mashruuca biyo-gelinta magaalada Tog wajaale oo ay ku baxayso ku dhawaad 500 milyan oo birr.

Mashruucan waxaa lacagta ku baxaysa bixinaya dawladda fadaraalka gaar ahaan Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee JDFI waxaana qorshaysan in muddo 18 bilood gudaheed ah lagusoo gabo’gabeeyo; Mashruucan waxaa ka faa’iideysan doona ku dhawaad 60 kun oo qof.

Dhanka kale Odayaasha iyo shacabka magaalada Tog-wajaale ayaa ahmiyad ballaadhan oo la siiyay ku tilmaamay biyo-gelintan maadaama laga jawaabay codsi iyo cabasho ay muddooyin badan qabeen.

Xukuumadda Deegaanka waxaa qorshe u’ah sida ay horeyba usheegtay in lahelo magaalooyin ka dhisan kaabayaasha horumarineed ee magaalanimo iyo ka jawaabidda tabashooyinka bulshada iyada oo loo eegayo ahmiyada ay uleeyihiin shacabka iyo awoodda dawladda.

 

 

COMMENTS
LINKS