Maamulka Shirkada Gemstone Trading Company Iyo Ka Degmada Agabar Oo Beeniyay Eedo Loo Jeediyay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Shirkada Gemstone Trading Company Iyo Ka Degmada Agabar Oo Beeniyay Eedo Loo Jeediyay!
October 2, 2022 - Written by Editor:

AGABAR(W,N)-Gudoomiyaha Shirkada Waddaniga ah Ee  “Gemstone Trading Company” Ganacsade Cali Ibraahim Geele ayaa iska Fogeeyay Eedo Ay  jeedisay Kaltuun Xasan Macalin kuwaasi oo u ku Tilmaamay kuwo waxba kama jiraan, Isagoo faah faahin ka bixiyay xaqiiqada arintan.

Sidoo kale ganacsade cali ibraahim geele ayaa sheegay in aanay jirin dhul beereed  ay ku haystaan Halka gabadha warbaahinta ka cabanaysay khasaare ugaysatay mashariic ay ka wadeen deegaanka gabar  iyadoo  ka aastay god macdanta laga baadhayay islamarkaana ay gubtay wixii agab yaalay goob taasi Khasaarena ay ugaysteen hantidooda,

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Agabar Idiris Jaamac Xasan ayaa ka hadlay eeda Ay maamulka Gobolka iyo shirkada Gemstone Trading Company kula dul dhacday kaltuun xasan macalin Isagoo sheegay in aanay jirin beer ay leeyihiin oo lagu haystaana halka  shirkadu wax ka qodaysaana ay beertooda ujirto 2km taasi oo ay sifo sharci ah lagu siiyay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS