Itoobiya Oo Digniin Culus Udirtay Dawlada Ireland Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo Digniin Culus Udirtay Dawlada Ireland Iyo Sobobta!
October 14, 2022 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Dowladda Itoobiya ayaa diginin middii u dambaysay waxay u dirtay Ireland taas oo ku saabsan mowqifkeeda la xidhiidha dagaalka labada sano ka socda dalkaas ee u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Ridwaan Xuseen oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter ka ayuu ku yiri ” Ireland waxay si aan kala joogsi laheyn oo xooggan u waxyeeleyneysa Itoobiya labadii sano ee lasoo dhaafay”.

Riwaan Xuseen ayaa qoraalkiisa sii raaciyay ” Codsigii dowladda ay sameysay markii ugu dambeysay waa la diiday oo dhegaha laga fureystay. Sidaas darteed, waxaa waajib ku noqotay in digniin kama dambeys ah toddobaadkan u dirto dowladda Ireland”.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ugu baaqday Ireland inay faraha kala baxdo cadaawadda ka dhanka ah Itoobiya, iyadoo ku eedaysay in Ireland ay sii wado weerarka ka dhanka ah Itoobiya, ayada oo sheegtay inay Ireland ay adeegsaneyso xubinnimadeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Digniintan kasoo baxday dalka Itoobiya ayaan wali lagaran waxa wakhti xaadirkan kusoo hagaajiyay in dowladda Itoobiya digniin u dirto dalka Ireland, iyadoo geesta kale Ireland ay wakhti xaadirkan billowday inay muwaadiniinteeda uga digto inay u safraan dalka Itoobiya gaar ahaan gobollada Tigray, Canfarta iyo Amxaarada oo ah gobollada uu inta badan saameeyay dagaalka Itoobiya iyo TPLF.

COMMENTS
LINKS