Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Booqasho Ku Tagay Magaalada Gabiley Iyo Ujeedada kulan Ay La Qaateen Madaxda Xisbiga Ee Gobolka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Booqasho Ku Tagay Magaalada Gabiley Iyo Ujeedada kulan Ay La Qaateen Madaxda Xisbiga Ee Gobolka.
October 6, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga waddani iyo musharaxa madaxwayne ee xisbiga ayaa galab socdaal ku yimid magaalada gabiley halkaasi oo ay ku qaabileen maamulka gobolka ee xisbiga, xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo xisbiga waddani katirsan.

Waxaana Waftigan Magaalada Gabiley Ku soo dhaweeyay Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada iyo degmooyinka ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Bookh oo ay weheliyaan masuuliyiinta xisbiga ee Gobolka Gabiley ayaa magaalada Gabiley ku qaabilay musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga mudane Xirsi Cali X Xasan.

Kulanka ayaa ahaa kulan wada tashi Oo ku Aaddan Xaaladda siyaasadeed ee dalka.

COMMENTS
LINKS