|
|||||
WAJAALE NEWS
Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Oo madaarka Cigaal kusoo dhawaysay dhalinyaro laga soo celiyay dalka liibiya
October 12, 2022 - Written by Editor:Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka oo kaashanaysa Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha socotada ee #IOM waxa ay dalka kusoo dhaweysay 7 Dhallinyaro ah, kuwaasi oo lagasoo celiyey Dalka Liibiya oo ay si tahriib ah kujoogeen muddo badan. Dhallinyaradan ayaa markii ay kasoo dageen madaarka caalamiga ah ee Cigaal waxa ay dareemeen farxad maadaama dalkooda si nabadgeliyo ah ay kusoo gaadheen. Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranku iyada oo gudanaysa waajibaadka ay Qaranka u hayso waxa ay ahmiyad gaar ah siisaa dhallinyarada tahriibka lagasoo celiyo, iyada oo loosameeyo gacan qabasho dhaqaale iyo latalin si ay ugasoo kabtaan dhibaatooyinka dhaqaale ama maskaxeed ee ay kala kulmeen muddada ay Tahriibka kujireen.
Related posts:Xisbiga Waddani Oo Cisbital-Weyn Ee Hargeysa Ku Booqday Dhalinyar Dhaawac Ka Soo Gaadhay Rasaas Ay C... DAAWO;Mudane Madaxweyne Waxaan Kuu Sheegayaa 26-Ka Juun Wixii Ka Dambeeya Waad Garanaysaa Haddaad Ma... Daawo: Safiirka Somaliland Ee Dalka Sweden Iyo Madaxda Asxaabta Qaranka Oo Fariin U Diray Shacabka R... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|