Golaha Guurtida Jsl Oo Mudo Kordhin Usameeyay Xukuumada Madaxwayne Biixi Iyagu Korodhsaday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Guurtida Jsl Oo Mudo Kordhin Usameeyay Xukuumada Madaxwayne Biixi Iyagu Korodhsaday!
October 1, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo kordhin hor leh u sameeyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan xasaasi ah oo ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha Guurtida.

Golaha Guurtida  ayaa laba sanno oo dheeraad ah ugu daray madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, kadib codeyn gacan taag ah oo ka dhacday xarunta golaha Guurtida Somaliland.

Sidoo kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa iyaguna ku darsaday muddo xileedkooda 5 sanno oo dheeraad ah, waxaana golahan uu yahay kii u horreeyey, mana jiro isbeddel lagu sameeyey tan iyo markii la dhisay, waxaana markastaa loo kordhiyaa muddada xil heynta,

HALKAN KAGA BOGO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS