|
|||||
WAJAALE NEWS
“Dimuqraadiyadii Somaliland Gacanta Muuse Biixi Ayay Ku Dhimatay, Haka Filin In Doorasho Madaxwayne Ay Qabsoonto, Inta Uu kursiga Sharci Darrada Ugu Sii Fadhiyo”Cali Guray.
October 4, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Guray ayaa markale ka hadlay Damaca kursi jacayl ee madaxwayne biixi in aan lafilaynin in doorasho madaxwayne ka qabsoonta dalka inta uu kursiga kusii fadhiyo isagoo madaxwayne biixi ku eedeeyay in uu gacantiisa ku dhimatay dimuqraadiyii Somaliland.wuxuna sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bogiisa oo udhignaa Sidan; BELAAYOY BAYDH OO NAGA BAYDH HADII AYNU NIDHI CIDNA MAYNU HABAARIN EE INAGA AYUUN BAA DUCAYSANAY SAW MAAHA? Dimuqraadiyadii Somaliland Gacanta Muuse Biixi Ayay Ku Dhimatay, Ha ka Filin In Doorasho Madaxwayne Ay Qabsoonto Inta Uu kursiga Sharci Darrada Ugu Sii Fadhiyo ee sankiisu neefsanayo. Cudur daar kale ma haysto oon ahayn: MADAXWAYNE LA DOORTAY MADAXWAYNE LA DOORTAY AYAA BEDELI KARA. DOORASHO MADAXWAYNE IN AY QABSOONTONA MA OGOLAANAYO. Sidaa daraadeed ma jirto muddo kordhin laba sanadood ahi ee waa inta noloshiisa u hadhsan. Taasina Allaha keliya ayuun baa garan kara inta u hadhsan. Doorashada xisbiyada/ururada ayaan lafteedu qabsoomi karin oo aan xataa sharci lagu qaban karo aan lahayn dhinaca kalina suurtogal aanay ahayn in doorasho aan heshiis lagu ahayni ay si nabadgelyo ah dalka uga qabsoomi karto. Sidaa daraadeed Somaliland xili adag oo Somaliland midnimadeedu halis ku jirto ayaa bilow ah, taasina waxay albaabka u furaysaa farogelin shisheeye oo cid walib u furan in ay ka dhex kaluumaysan karto kana faaiidaysan karto Somaliland midnimadeedii budh iyo xoog lagu furfuray. Muuse Biixi wuxu u muuqdaa in aanu diyaarba u ahayn in uu hogaamiyo qaran misaysan. Qaybqaybsanaanta ayaabu u arkaa in ay isaga ugu badinayso waayo wax doorasho ah oo dalka ka qabsoomi karta ayaan jiraynin. Waana sida uu jecel yahay waayo “madaxwayne la doortay waxa bedeli kara madaxwayne la doortay” Markaa saw lama odhan karo Somaliland waxay ku socotaa midi girgirkeed gees ay u dhicina Allahu yaclam. Anigu sidaas ayaan u arkaa. Ha yeeshee damaca muuse waxa ka maqan ta Alleh. Yaa u balanqaaday in uu noolaanayo inta uu isaga damaciisu gaadhsiisan yahay? Saw hamiga fog ee qofka waxa ka sokeeya wed maaha. Somaliland Ilaah ka bedbaadbaadin kara labadan sharkooda ayay leedahaye ha u baqanina. Belaayoy baydh oo naga baydh hadii aynu nidhi inaga ayuun baa ducaysanay ee cidna maynu habaarin Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (cai Guray) Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|