Dawlada Somaliya Oo Amar Ku Siisay Shirkadaha Isgaadhsiinta In Aan Laga Isticmaali Karin Mareegaha Ururka Alshabaab Warar Ku Baahiyaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliya Oo Amar Ku Siisay Shirkadaha Isgaadhsiinta In Aan Laga Isticmaali Karin Mareegaha Ururka Alshabaab Warar Ku Baahiyaan.
October 8, 2022 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Dawladda Soomaaliya  , ayaa amar ku bixisay in aan shirkaddaha bixiya khadka Internet-ka aan khadadkooda  laga isticmaali karin mareegaha iyo baraha bulshada ee uu adeegsado ururka Al-Shabaab.

Qoraal uu soo saaray wasiirka isgaadhsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif , ayaa lagu xusay shirkaddaha isgaadhsiinta ee ka hawlgala Soomaaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale Dawlada Somaliya ayaa Soo Bandhigtay mareegaha ay Hawada ka saartay ee Ururka  Al shabaab ku baahin jireen wararkooga.

 

COMMENTS
LINKS