|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliland Oo Shir lagaga Hadlayo Arimaha Shidaalka Kaga Qaybgashay Dalka Koonfur Africa.
October 4, 2022 - Written by Editor:CAPE TOWN(W,N)-Dawladda Somaliland ayaa ka qayb galaysa shirka Toddobaadka Shidaalka Afrika oo ka socda Magaalada Cape Town, ee South Africa. Wasiirka Tarmarta & Macdanta JSL, Mr. Abdillahi Farah ayaa ka qayb galaya shirka isagoo ka mid ah 32 wasiiradda Macdanta, Tamarta & Shidaalka ee dalalka Afrika iyo sharaaiga Shidaalka ee dunnida. Toddobaadka Shidaalka Afrika waxa uu isu keenay dawlado, shirkadaha shidaalka ee dalalka Afrika iyo kuwa caalamiga ah, maal-gashadayaal caalami ah iyo adeeg bixiyayaasha shidaal qodista ee dunnida. Waxa uu Toddobaadka Shidaalka Afrika dabada ka riixaya gaadhitaanka heshiisyo iyo macaamil ganacsi oo ka dhex socda Afrika oo ay ku lamaan yihiin fursado maal galineed iyo gaadhis heshiisyo waxtar weyn u leh Afrika iyo qaabaynteeda mustaqbalka. Related posts:Masuul Iska Casilay Xisbiga Wadani Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Sobobta Ku Ka Liftay In uu Iscasilo! DAAWO; Waraysi Xiiso Leh Oo Dhamaytiran Lala Yeeshay Oradyahanka Reer Somaliland Mo Faarax Oo Su'aa... Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga La Bilaabayo Dhismaha Jidka Isku Xidhaya Berbera Iyo Waja... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|