Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Soo Gabo Gabaysay Diwaangalinta Guryaha Iyo Dhulka Banaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Soo Gabo Gabaysay Diwaangalinta Guryaha Iyo Dhulka Banaan.
October 13, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Dowladda Hoose Degmada Gabiley ayaa saaka soo gabagabaysay mashruuca Diiwaangelinta Dhulka Iyo Guryaha banaan.

Diwaangalinta dhulka Iyo Guryaha banaan oo ku dhamaan lahayd muddo sannad ah ayay Dowladda Hoose Degmada Gabiley kusoo gabogabaysay muddo saddex bilood ah.

Waxaana munaasibada lagu soo gabo gabeeyay  Goob joog ka ahaa maayarka Magaalada gabiley, Xildhibaanada Golaha deegaanka Degmada iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley.

Dhanka kale masuuliyiinta dawlada hoose ee gabiley ayaa sheegay in gabiley noqonayso magaaladii ugu horaysay Somaliland ee la diwaangaliyo guryaha iyo dhulka banana.

 

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS