|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Inan Yar Oo 2Sano Jir Ah Ku Diley Magaalada Hargaysa.
October 8, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Ciidamada booliska Somaliland ayaasheegay in ay gacanya kusoo dhigeen Nin inyar ku dilay magaalada hargaysa warkan oo ay ku baahiyeen barta ciidamada boolisku ku leeyihiin facebookga ayaa udhignaa Sidan; Ciidanka booliska Somaliland ay gacanta ku soo dhigeen Eedeysane Siciid Ismaciil Xassan oo ku eedeysan inuu dilay gabadh yar oo lagu magacaabi jiray Nashaad Sakariye Xassan oo 2 jir ah. Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa , waxaana eedeysanuhu dilka inantan yar u istacmaalay Midi uu ku gawracay. Ciidanka Booliska JSL waxay mar walba u mahad-naqayaan Shacabka somaliland ee xogaha la soo wadaaga. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|