Xukuumada Somaliland Oo Dil Toogasho ah Ku Fulisay 4 Qof Oo Hore Loogu Helay In Ay Dilal Gaysteen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Dil Toogasho ah Ku Fulisay 4 Qof Oo Hore Loogu Helay In Ay Dilal Gaysteen.
September 6, 2022 - Written by Editor:

MADHEERA(W,N)-Qisaasta oo ka dhacday xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil, ayaa waxa dadka la dilay kamid ahaa Gaashaanle Dhexe Saalax Bullaale Jaamac, oo 3May Hargaysa ku dilay gabadh dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Najma Cabdillaahi maykal.

Hadaba, qisaasta ayaa markii hore la qorsheeyay in lagu fuliyo 5 qof, lakiin qofkii 5aad ayaa tiirka laga furay kadib markii ay heshiiyeen dhinacyadii dhibaatadu dhex martay, sidan si lamid ah ayaa 2 qof tiirka looga furay xili toogasho loo diyaariyay 16, February, 2022.

Hadaba, waa qisaastii labaad ee xukuumada Somaliland fuliso isla sannadkan gudihiisa, iyadoo 4 askari oo dilal gaystay hore qisaas loogu fuliyay 16, February, 2022.

COMMENTS
LINKS