|
|||||
WAJAALE NEWS
“Sida Aan U Arko Qorshaha Madaxwayne Muuse Biixi Wax Kale Maaha Ee Waxa Ka Go’an In Aan Labadan Doorasho, Midna Qabsoomin”Cali Guray.
September 12, 2022 - Written by Editor:“KA DARYOO SACEENII DIBI BUU HADANA DHALAY” “Sida Aan U Arko Qorshaha Madaxwayne Muuse Biixi Wax Kale Maaha Ee Waxa Ka Go’an In Aan Labadan Doorasho, Midna Qabsoomin, Waana Sida Ay Xaaladdu Hadda Ku Socoto”Cali Guray. Doorashada Madaxtooyada ee 13 November way muuqataa oo ma qabsoomayso. Yaanay qabsoomin eh goor kale oo heshiis lagu yahay in la qabtaana ma jirto. Xataa goorta ay doonto haba qabsoonto eh ma ogola Muuse in labada doorasho siday u kala horeeyeen loo kala horqabto iyo xataa sidii ay soo jeediyeen ganacsatadii iyagu isxilqaamay in labada doorasho mar la wada qabto oo dabcan noqon lahayd xal dhaama xal la’aanta uu wado. Muuse wuxu sheegay in labada xisbi ee WADDANI IYO UCID ay xisbinimadooda ku waayi doonaan, hadii ay qorshihiisa diidaan, sidii uu xisbigii UDUB uu ku waayay xiligii Doorashadii Golayaasha Degaanka ee 2012kii, isaga oo madaxwaynuhu u qiil samaynaya qorshaha uu ka leeyahay doorashada uu isagu dabada ka riixayo ee aan ila hadda u muuqanin in ay suurogeli karto. Marka hore doorashadii 2012kii iyo tan uu isagu dabada ka riixayaa maaha laba doorasho oo la isbarbar dhigi karo ama xataa isku duruufba ah maaha. Doorashadii 2012kii waxay ahayd doorasho la isla ogol yahay oo sadexda xisbi qaran aanu jirin mid keliya oo diidanaa wax khilaaf ah oo ka jirayna aanu jirin. UDUB oo gudihiisa khilaaf ka jiray gudoomiyihii oo Dahir Rayaale ahaa iyo Gudoomiye xigeenkiisii oo Axmed Yuusuf Yaasiin ahaana ay laba dhinac kala hogaaminayeen xaaladuna ay gaadhay ilaa Maxkamadda in ay isla galeen. Taas ayaa keentay UDUB xisbI ahaan in uu awoodi waayo dhiibashadii liisaskii musharaxiintia doorashada uga tartami lahayd. Hadana UDUB wuxu si rasmi ah u lumiyay ka dib markii ay soo baxday batiijadii doorashada uu iskii uga baaqday ee WADDANI oo urur siyaasadeed ahaa uu ka mid noqday sadexdii xisbi ee ku soo baxay. Ta kale doorashadii 2012 waxa ku tartamay sida xeerku yahay xisbiyo iyo ururo. Lama odhan sadexdii xisbina waxay noqdeen ururo, sida uu Muuse Biixi hadda inaga iibinayo, weliba xisbiyad qaranka oo ahaa kuwii ku soo baxay doorashadii ugu horaysay ee Golayaasha Degaanka bishii December 2002. Shahadadaha xisbiyada oo muddo 5 sanadood ahayd waxay burayeen December 2007dii. Hadana lama odhan waxay noqdeen ururo ee waxay ku tartameen doorashqdii madaxtooyada 2010kii iyo doorashadii Golayaasha Degaanka 2012kii, iyaga oo shahaadadahoodu ka dhacsanaayeen ku dhawaad 5 sanadood. Doorashadii 2012 maadaama ay sadexda xisbiba heahiis ku ahaayeen waxay dalka oo dhan uga qabsoontay si nabadgelyo ah Maanta Muuse wuxu taagan yahay xisbiyadii qaranka oo weli aanay xataa muddadoodi dhamaanin ayaa noqday ururo. Saacaddan la joogana Somaliland ma laha xisbiyo qaran. Taas oo si toos ah uga horimanaysa dastuurka Somaliland oo cadeeyay in Somaliland ay yeelanayso sadex xisbi qaran. Marxalad aanay Somaliland ka jirin sadex xisbina dastuurku oo ah sharciga ugu sareeya Somaliland ma sheegin ee Muuse Biixi baa sheegay. Doorashadan hadaba uu Muuse Biixi wadwado anigu waxan leeyahay ma suurogelayso. Meel gaaban ayaan idinka tusayaa. Hadii aynaan idhaha istirayn Somaliland waa beelo, siyaasadda iyo qabyaaladuna inooma kala soocna. Waynu og nahay oo xataa goobaha codbixinta ayaa reero loo kala leeyahay oo la yaqaan reer walba goobaha sanaaduuqda u gaarka ah. Marka sidaa tahay doorasho sadexdii xisbi laba aanay ogolayn welina ay taagan yihiin 13 November waxa heshiis lagu ahaa in dooraahada madaxtooyadu ay qabsoonto, ha yeeshee hadii aanay qabsoomayn waxanu diyaar u nahay in laga wadlo halka looga dhaqaaqayo ee kale si doorashooyin heshiis lagu yahay ay si nabadgelyo ah inoogu qabsoomaan. Taas Muuse Biixi waa loogu taag waayay cid kasta oo isku dayday in bal wax la isla eego si khilaafka siyaasda ee la xidhiidha doorashooyinka meesha looga saaro waxa gaashaanka ku dhuftay Muuse Biixi. Hadaba suurogal ma tagay doorasho sabaaduuqda la gayn karo goobaha madaxwaynaha reerkiisa habar awal oo shan balse aan hal sanduuq aan la gayn karin goobaha reerka Garxajis oo aynu naqaano inta gobol iyo magaalo ee Somaliland ka degaan. Weliba marka uu dibadda dhigo, sida uu ku socdo labada xisbi ee WADDANI iyo UCID. Maya hadii wax kastaa ka dhacayaan ma qabsoomi karto eh ninka ku daalayaa ha ku daalo. Labadan reer tusaale ayuun baan u qaatay taageerayaasha mucaaridka oo dhan iyo weliba cid kasta oo danaynaysa nabadgelyada Somaliland ma ogolaan karto. Sidaa daraadeed 70% goobaha codbixinta dalka kama qabsoomi karto si nabadgelyo ahna Somsliland ugama qabsoomi karto doorasho aan heshiis lagu ahayn sidii dhamaan doorashooyinkii hore ee dalka ka qabsoomay HALGANWATCH QALINKII; SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GUREY” Related posts:DAAWO; SHEIKH Aadan Siiro oo khudbadii jimcaha kaga hadlay xaalada dhabta ah, Wasiirkii baa Dadka bo... Jaahwareer Siyaasadeed Oo Soo Wajahday Siyaasadii Arrimaha Dibadda Somaliland Iyo Wasiirka Arrimaha ... DAAWO; Taliska Ciidanka Booliska Jsl Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Abwaan Laabsalax, Fariin Hanjabaadana ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|