|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Kormeeray Saldhigga Dhexe Iyo Qaybta Booliska ee Degmada Boorama.
September 9, 2022 - Written by Editor:Boorama-(W.N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku jooga magaalada Boorama, ayaa maanta kormeeray saldhigga dhexe iyo qaybta Booliska ee degmada Boorama, waxana uu halkaas kulan is xogwaraysi ah kula yeeshay hoggaanka ciidanka Booliska, madaxda gobolka iyo kuwa degmada. Waxaanu madaxweynuhu u kuurgalay xaaladda guud Saldhiga iyo maxaabista ku xidhan saldhiga. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada oo weftigiisa kamid ah, ayaa madaxda gobolka iyo kuwa degmada Boorama u qaabilsan xukuumadda iyo hay’adaha amniga ka dhegaystay xaaladda guud ee amniga, waxana uu uga mahadnaqay sida habsamida leh ee ay hawshooda qaran u wataan. Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Boorama kula tukaday salaadii Jimcaha Masaajidka Abu-hurayra ee badhtamaha magaalada Boorama. Related posts:"Waxaan Madaxweynaha ku Bogaadinaya Furista Xisbiyada Iyo u Quus-goynta Maamulka Farmaajo".Gud. Xisb... Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Aktorka Caanka ah ee Akshay Kumaar iyo xidiga BOLLYWOODKA Halkan kaga bo... Daawo:Masuul Xilal Kala Duwan Ka Soo Qabtay Xukuumadihii Kala Danbeeyay Ee Somaliland Oo Labo Gaadhi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|