Madaxweynaha Jsl Iyo Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Iyo Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Berbera.
September 14, 2022 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo saaka kaga ambo baxay Hargeysa, ayaa gaadhay magaalo xeebeedda Berbera, waxana halkaas kusoo dhaweeyey Kumannaan katirsan shacabka reer Berbera oo ay wejiyadooda ka muuqatay xamaasad iyo waddaniyadi.

Qaybaha kala duwan ee shacabka reer Berbera oo ay hoggaaminayaan maamulka gobolka iyo midka degmada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey gudaha magaalada, kuwaas oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo madaxweynaha qaranku uu socod lug ah masaafo dheer la lugeeyey bulshadii halkaas kusoo dhaweysay.

Sidoo kale, madaxweynaha iyo weftigiisa waxa si diirran loogu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, waxana caleemo qoyan ku qaabilay bulshada deegaannadaas ku dhaqan oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo yididiilo.

 

COMMENTS
LINKS