“Ilaahay Waxaan Ka Baryayaa, Maxamed Kaahin In Masab Danbe Oo Uu Umadda Uqabto Ay Ugu Danbayso, Kaa Arimaha Guduhu”Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ilaahay Waxaan Ka Baryayaa, Maxamed Kaahin In Masab Danbe Oo Uu Umadda Uqabto Ay Ugu Danbayso, Kaa Arimaha Guduhu”Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Jsl.
September 30, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Xasan ayaa ka hadlay wareegto kazoo baxay wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha jsl maxamed kaahin oo lagu durkinayo kaantaroolada degmooyinka caasimada ku xeeraan qaarkood taasi oo uu afhayeenku ku tilmaamay mid fidno abuuraysa islamarkaana duulaan ku ah gobolka hawd

Sidoo kale Afhayeen cabdilaahi ayaa eedo culus ujeediyay wasiirka arimaha gudaha oo uu sheegay in uu isago wareegtan iyo amarada ciidamada amaanka bixinayo taasi.

Dhanka kale afhayeen cabdilaahi ayaa ku duceeyay in wasiir maxamed kaahin aanu xil danbe uqaban Somaliland maadamadakursigiisii ay rasaasi kaga soo dhacay gobolkii halganka isagoo fariin gaar ah udiray siyaasiyiinta beesha habarjeclo ee hada ku jira saaxafada siyaasada.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS