|
|||||
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Madaxtooyada JSL Oo Kormeeray Dayac-tirka lagu Waddo Gurigii Lagaga Dhawaaqay Somaliland
September 5, 2022 - Written by Editor:Burco (W.N)- Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile oo safar shaqo ku jooga qaar kamida Gobolada Bariga Somaliland ayaa saaka kormeer ku sameeyey Gurigii lagaga dhawaaqay Somaliland 18-kii May 1991-kii, oo ay hadda ay ka socoto dayactir iyo dibu-dhis balaadhan ay ku samaynayso Madaxtooyada Jamhuuryadda Somaliland, waxaana kormeerka shaqo Agaasimaha ku wehelinaayey Maayirka Degmada Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero). Agaasimaha guud ee Madaxtooyada oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Runtii goobtan lagaga dhawaaqay Somaliland waa Meesha ay Somaliland ku abtirsato, Somaliland goobtii lagaga dhawaaqay 18 May 1991-kii goobtanay ahayd waana halka qofku ku amaaradsanayo gobanimadiisa,dadnimadiisa iyo dawladdnimadiisa, Madaxweynuhuna wuxuu gartay in meeshii dayaca laga biiyo oo lasoo xeero”. Related posts:Maxkamadda Degmada Hargeysa Oo Soo Saartay Warbixin Sanadeedkii 2017-ka Iyo Tirada Kiisaska Ugu Badn... Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Finland Oo Baarlamaankiisa U Gudbiyay Mooshin Uu Ku Dalabanayo Aqoonsi... "Waxa La Xidhxidhay Maaha Xildhibaano Kaliya Ee Waa Shacabkii Reer Gabiley Oo Dhan Ee Codkooda Kusoo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|