|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaan Umalaynayaa Innagu Hadraawi Ayeynu Ubarooranaynaaye, Inuu Ka Ducaystayba, Haddii Uu Arki Waayey Somaliland-tii Uu Doonayey In Aan Illaahay Ku Simin Tan Aynu Maanta Joogno”Muj Cabdiraxmaan Awcali.
August 19, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Muj Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax(cabdiraxmaan Tolwaa” oo ka Hadlayay aaskii Marxum Maxamed ibraahim Warsame “hadraawi” ayaa ka hadlay taariikhdiisa iyo kala fogaanshaha Somalilandtii uu doonayay ee uu usoo halgamay iyo tan aynu maanta joogno oo uu xusay malaha in uu ka ducaystay in aan ilaahay ku siman waxa hada ka socda. “Markii dalka la xorreeyey, Somaliland tii aynu doonaynay iyo tii uu doonayey Abwaan Hadraawi ee uu maskaxda ku hayey laba kala duwan ayey noqdeen. Tii aynu innaga doonaynay waxay noqotay tii markii aynu dalka xoraynay isku raac raacnay (Dagaaladii sokeeye) ee dhacay 1992-kii ee haddana dhacay 1994-kii waxay ahaayeen waxyaabaha ka soo dhaweeyey ee cimri dedejiyey maskaxdii uu shiilay ka sakow, waxyaabahaas ayaa ka mid ahaa. Wuxuu filayey Somaliland oo mid ah, dadka Somaliland oo mid ah, meel ka soo wada jeeda, nabadda iyo ictiraafka wada qaada, walaalo wada ah, unmada kale ee Islaamka ah ee hareerahoodana la walaalo ah. Wuu Arki waayey. Waxaan u malaynayaa innagu Hadraawi ayeynu u barooranaynaaye inuu ka ducaystayba haddii uu arki waayey Somaliland-tii uu doonayey In aan Illaahay ku simin tan aynu maanta joogno ee aynu Ganbadhada Isugu Soo Dhiganay Ee Cayda xiqdiga iyo Buqdiga. Illaahay Waxaan ka baryayaa In marxuum Hadraawi Alle u naxariiisto, Innaga boggeenna burcad isu mariyo, oo aynu doono Somaliland-tii uu doonayey oo ah Somaliland nabadda ah, walaalowda, arrimaheeda ku xalisa miiska dushiisa, oo collaad iyo dagaal sokeeye ka caaggan.”
Related posts:DAAWO; Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Kulan Layeeshay Hogaanka Jabhada ONLF Iyo Qodobada Ay Ka w... Xiddigaha Geesku Waxay Qaranka U Qabteen ayaa ka Qara-weyn Dacaayadda Raqiiska ee lagu Cambaaraynayo... Wasiirka Wasaarada Biyaha Oo Xilka Qaadis, Magacaabis Iyo Waxka Badal Ku Sameeyay Maamulka Biyaha Ee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|