“Waxa Ina Kaahin Caawa Sheegay, Waa Beentii Uu Awalba Caadeystay, Ee Wax Cusub Maaha..”Musharax Cirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Ina Kaahin Caawa Sheegay, Waa Beentii Uu Awalba Caadeystay, Ee Wax Cusub Maaha..”Musharax Cirro
August 10, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani Cabdiraxmaan cirro ayaa qoraal uu ku baahiyay barta u ku leeyahay xidhiidhka bulsahda ku beeniyay eedo culus oo uu Wasiirka arimaha guduhu ujeediyay islamarkaana sheegay in ay Tahay been aan sal iyo raad toona lahayn oo uu marar badan Caadaystay in uu ka sheego xisbiga wadani wuxuna udhignaa sidan;

“Waxa Ina Kaahin Caawa Sheegay, Waa Beentii Uu Awalba caadeystay ee wax cusub maaha, waa been abuur aan sal iyo raad toonna lahayn, waa kaadh aad marar badan xoqday balse aad ku guul darraysatay.

Siyaasadduna been & Qaaxoolaji maaha.

Berrina waa aynu soo baxaynaa.

#bannaanbaxa_khamiista

COMMENTS
LINKS