Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Alshabaab Oo Weerar Qaraxyo Wata Ku Qaaday Huteelk Alxayaat Ee Magaalada Muqdisho! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Alshabaab Oo Weerar Qaraxyo Wata Ku Qaaday Huteelk Alxayaat Ee Magaalada Muqdisho!
August 19, 2022 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Kooxda Alshabaab ayaa caawa fiidkii Weerar qarax iyo kooxo dagalaamaya oo huteelka Gudaha ugalay ku qaaday huteelka alxayaat ee Magaalada muqdisho hadaba Ciidamada Amaanka ee Somaliya ayaa ku guulaystay soo badbaadinta dad shacab Ah oo ku go’doonsanaa hotelka la wareeray ee Hayaat.

Saddex dagaalame oo ah kooxdii gudaha u gashay hotelka Hayaat, ayaa weli hotelka ka dhex dagaalamaya, waxayna ciidamadu ku guulaysteen inay hotelka gudaha u galaan.

Dadka lasoo badbaadiyay waxaa kamid ah saddex carruur ah oo hooyadood ay weyday markii ay dhacday jugtii ugu horraysay ee weerarka. Hooyada ayaa kamid ahayd dad markiiba hotelka lagasoo badbaadiyay.

Weli faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee weerarka lama hayo, waxaase jira warar sheegaya in saraakiil katirsan NISA ay ku dhaawacmeen mid kamid ah qaraxyada hotel bannaankiisa ka dhacay.

War aan si dhab ah weli loo hubin waxay sheegayaan in dadka dhaawacmay uu ku jiro taliyaha NISA gobolka Banaadir, Muxidiin Warbac.

Dhanka kale kooxda Alshabaab ayaa sheegtay weerarkan iyagoo sheegay inay beegsadaan masuuliyiin iyo saraakiil ciiddan oo ku caweynayay hotel Hayaat. Waxay sheegeen inay  dagaalamayaashooda gudaha u galeen oo toogasho ka wadaan hotelka.

COMMENTS
LINKS