Waftiga Ka Socda Dawlada Maraykanka Oo Socdaalka Ku Tagay Magaalada Gabiley Iyo Soo Dhawayntii Maamulka Gobolka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waftiga Ka Socda Dawlada Maraykanka Oo Socdaalka Ku Tagay Magaalada Gabiley Iyo Soo Dhawayntii Maamulka Gobolka!
August 15, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Wafti  Ka socda Dawlada Maraykanka Oo Maalmihii Udanbeeyay Socdaalka Ku Joogay Somaliland ayaa maanta Booqasho ku Tagay Magaalada Gabiley.

Waxaana Halkaasi Kusoo dhaweeyay Badhasaabka Gobolka Gabiley Mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Iyo Duqa Degmada Gabiley Mudane Maxamed-Aamin Cumar Cabdi ayaa qaabiley wefti ballaadhan oo ka socda dalka Maraykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankani oo ay ku wehelinayeen Badhasaab kuxigeenka Gobolka, Qaar kamida xildhibaanadda Golaha Deegaanka Iyo Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose.

Maamulka Gobolka Iyo Ka Degmada ayaa uga warbixiyay Gobolka Iyo Xaaladda Abaareed Ee Guud ahaan Gobolka, Sidoo kalena uga mahadceliyay Booqashadooda.

COMMENTS
LINKS