Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Oo Lagu Xidhay Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Oo Lagu Xidhay Magaalada Hargaysa.
August 29, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xukuumada somaliland ayaa maanta Magaalada hargaysa ku xidhay suldaan ibraahim suldaan sulub Oo kamid ah madaxdhaqameedka somaliland gaar ahaan Suldaanka beesha xuseen abokor {sacad muuse” kaasi oo sida Wiil uu dhalay uu sheegay ay ciidamo dharcad ahi ka hor Kexeeyeen gurigiisa lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Hargaysa.

Xadhiga suldaan Ibraahim ayaa la sheegay in uu ka danbeeyay Hadal uu dhawan warbaahinta kagala hadlay madaxwayne biixi Islamarkaana xadhigiisa loo aanayno in xukuumadu amartay

Xadhiga suldaan ibraahim suldan sulub ayaa noqonaya xadhigii labaad ee xukuumadu kula kacdo madaxdhaqanka ee kasoo Horjeeda hogaaminta xukuumada biixi iyadoo hore hargaysa Loogu xidhay suldaan cade gude

Dhanka kale suldaan Ibraahim Sulub ayaa iyaga ah suldaankii Jufada madaxwayne biixi.

COMMENTS
LINKS