|
|||||
WAJAALE NEWS
Soddon (30) Sanno Kadib Airport-ka Hargaysa Waa Sidan!
August 6, 2022 - Written by Editor:Maanta waxaannu safar ugu anba baxnay Hargeysa aniga iyo Aabo, markii aannu ka degnay Eeriboodhka Hargeysa,Maadaamo qaddar masaafo ahi u dhaxayso gegida diyaaraddu fadhido iyo Teerminaalka laga baxo, Aabo waxaa ku adkaaday inuu socod ku gaadho terminaalka xanuun hayey iyo fadhiga uu ku raagey oo xoogaa jidhkii isgalay awgeed. Intaa ka dib inamo aan u fahmay in ay yihiin shaqaalaha garoonka oo diyaaradda agteeda taagnaa, sitayna Jaakado muujinay in ay hawl wadeenno yihiin ayaan ka codsaday in ay nagu caawiyeel kursiga dadka lagu riixo (WheelChair). Ka dib waxay igu yidhaahdeen kursiga aad rabto waa la kireeya oo waa lacag, waxaan waydiiyey qiimaha kirada, waxay yiraahdeen waa $15Dollar. Ogow kursiga intaan u baahnahay waa masaafo ka yar 50 talaabo. Intaa markuu maqlay Aabo ayuu yiri โadeer iska haysta kursigiinnaโ oo socod istiila bilaabay illaa aannu ka gaadhney terminalka. Dalkii nin waliba meeshuu jaanis ka helo ayuu lacag ka samaynayaa oo dadka cunaha qabanayaa๐ฐ Allow umaddaada u gargaar WQ; Maxamed M. Xassan.
Related posts:Djibouti Iyo Britain; Midna Sidii ay Somaliland Ugu Listay Ugumay Hanbayn, Geediguse Wuu Socon. ๐จ๐๐ ๐๐ฌ๐ข ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐ฆ๐๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ข๐ก๐ง๐ข๐ก๐๐ ( ๐ฑ๐ฌ ) ๐ฆ๐๐ก๐๐๐ข๐ข๐ ๐๐ ๐ฆ๐ข๐ข ๐ฆ๐ข๐๐๐!! Waa Kuma Guuleed? Muxuu ku mutaystay in meel lagaga dhaco sharaftiisa iyo xuquuqdiisa muwaadan nimo?... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |