“Madaxwaynaha Maantaba Hala Waydiiyo, Xadhigga Siyaasiga Ah Sida Uu U Arko”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxwaynaha Maantaba Hala Waydiiyo, Xadhigga Siyaasiga Ah Sida Uu U Arko”Cali Guray.
August 17, 2022 - Written by Editor:

Qofku Mawaaqiif kala duwan xiliyo kala duwan wuu qaadan Karaa. Siyaasaduna saaxiib joogto ah iyo cadow joogto ah Midna ma laha baa la yidhaa. Ha yeeshee arimaha mabda’iga Ah oo qofku uu aaminsan yahay in ay ka guurguurto Isbedbedelka mawaaqiifta siyaasadda iyo hadba muxaafid iyo Mucaarid midka uu yahay maaha. Muuse Biixi hadii mabda’ Ahaan shalay uu qalad u arkay xadhigga siyaasiga ah oo runtii Ay ahayd maanta isaga oo Madaxwayne ahna qalad buu u arki Lahaa sax uma arkeen kumanuu kaceen xdhig siyaasi ah isaga Laftiisu. Waxay tani inoo cadaynaysaa keliya in ay beentii ahayd ee xadhigga siyaasiga  mabda’ ahaan sax u arko.

Marka la isku wada daro xadhigyada siyaasiga ah ee afartii madaxwayne ee ka horeeyay keligii ayaa ka badan kara intii uu ku xidhay siyaasad muddadii uu madaxwaynaha ahaa. Weliba ma dhadhawa ee ha is-shegaysto isagu waana dabcan lagu qiimayn karaa.

Anigu Qalad iyo gef baan u aqaan xadhigga siyaasiga ah hadaan muxaafid ahaa iyo hadii aan mucaarid ahaaba weligay ma taageerin ee waan diidanaa uun haddana waan diidanahay oo waan ka soo horjeedaa. Waayo waa arin iga mabda’i ah.

QALINKII; SIYAASI CALI GURAY

COMMENTS
LINKS