Madaxwaynaha Jsl Oo Magacaabis, Xilka Qaadis Iyo Isku Badel Ku Sameeyay Qaarkamid Ah Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Dawlada Iyo Xubno Kale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Magacaabis, Xilka Qaadis Iyo Isku Badel Ku Sameeyay Qaarkamid Ah Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Dawlada Iyo Xubno Kale.
August 15, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka qaadis,isku badal iyo magacaabis ku sameeyay qaarkamid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dawlada, Iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Xukuumadiisa.

Wallow aan la shaacinin Digraytada uu madaxwayne biixi  magacaabista ,isku bedalka iyo xilka qaadis uu ku sameeyay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha qaar ayaa warar ilo xogogaala Ah ay ka heshay shabadada wararka ee wajaalenews ayaa sheegaya in uu ku sameeyay isku shaandhayn koobna.

Sidoo kale Wareegto kazoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha ayaa uu xilkii kaga qaaday badhasaab kuxigeenkii Gobolka Sanaag halka uu masuul cusubna umagacaabay badhasaab kuxigeenka Gobolka Sanaag.

Xilka Qaadista, Iskubadalka iyo Magacaabista uu sameeyay madaxwayne biixi ayaa Udhignayd Sidan;

1;Agaasimihii Hore ee wasaarada Qoyska, shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdirashiid Sheekh ayaa loo badalay Agaasimaha Guud Ee wasaarada Ganacsiga ,warshadaha iyo Dalxiiska jsl.

2;Agaasimihii Hore  G, Ee Wasaarada Cadaalada jsl Ahmed Hassan Aw Aden Ayaa Loo Baddelay Agaasimaha Guud Ee Wasarada  Arimaha Bulshada iyo Shaqo Galinta, halka uu madaxwaynuhu Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Cadaalada jsl Uga magacaabay Dr: Ismacil Saleban Bowkax.

3;Agaasimihii Hore Ee Wasaaradda Gaashaandhigga JSL Caynab Cabdiraxmaan ayaa loo bedelay Agaasimaha guud ee Gudida Qandaraasyada Qaranka, Halka Axmed Diiriye loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga.

4;Agaasimihii Hore ee Gudida Qandaraasyada Qaranka Ayaa Loo Badelay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryayta,

Xilka Qaadis

5;Agaasimihii hore ee wasaarada Ganacsiga,warshadaha Iyo Dalxiiska Mr Xamse

6;Agaasimihii Hore ee Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryayta Cabdiqani Jiidhe.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

 

 

COMMENTS
LINKS