|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudidii Ganacsatada Ahayd Ee Dhex dhexaadinaysa Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada Oo Soo Saaray Bayaan.
August 25, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Ganacsatadii Dhex dhexaadinaysan Khilaafka Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada Oo Soo Saaray War Murtiyeed iyo Qodobada Ay Ay U Arkaan Xalka Labada Dhinac: Talo soojeedin ku saabsan doorashooyinka Anaga oo ah ganacsato isku xilqaamay sidii xal loogu heli lahaa muranka ka taagan doorashooyinka soo socda, waxannu la tashanay khubaro sharciyaqaanno ah shirar aannu yeelanay ka dib. Waxa noo soo baxday in arrinta la isku hayaa tahay mid sharci. Haddaba annaga oo ka duuleyna muhiimadda ay leedahay in golayaasha sharciga loo noqdo marka muran noocan oo kale ahi yimaaddo, waxaannu garannay in aannu talooyinkan u jeedinno golayaasha sharci dejinta. In la dadejiyo oo sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro ansixinta xubnaha ka dhiman Komishanka Doorashooyinka Qaranka. In la isku sidko oo mar la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururada/xisbiyada. Sababaha aannu ugu talinay in labada doorasho la isku sidko waa: Duruufaha dhaqaale ee maanta dalkeenna ka jira sida abaaraha iyo sicir-bararka oo aan innoo suura gelineyn in la qabto laba doorasho oo muddo koobani u dhexayso oo ay ku baxayso labanlaab lacagtii ku bixi lahayd doorasho isku sidkan. Waxa sannadkii hore innoo qabsoomay laba doorasho oo isku sidkan oo noqday tusaale wanaagsan oo daariiq cusub innoo jeexay. Hadaba halkii saddex ama afar jeer doorashooyin la qaban lahaa shantii sannood eekastaba, labada doorasho oo mar la wada qabtaa waxay innoo suura gelineysaa in laba jeer oo keliya doorashooyin la qabto 5-tii sannadoodba. Dalku ma awoodi karo in dhowr iyo tobankii biloodba mar doorashooyin la qabto. Go’aankii maxkamadda sare iyo kaabista xeerarka ee golayaasha sharci dejintu waxay kor u qaadeysaa sarreynta sharciga iyo in la xoojiyo oo kalsooni la siiyo hay’adaha sharciga ee dalka, waxaaynay xal u noqonaysaa muranka imika taagan. Waxannu ugu baaqeynaa xukuummadda, xisbiyada mucaaridka, ururrada siyaasadda iyo dhammaanba dadka reer Somaliland in ay golayaasha sharci dajein ku taageeraan sidii ay arrintan xal waara oo sharciga waafaqsan uga soo saari lahaayeen. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Oo Si Kulul U cambaaraynayaa Xadhiga Gudoomiyaha Wargayska H... XISBIGA UCID OO BAAQ TAAGEERO AH KA SOO SAARAY GO’AANKA GOLAHA GUURTIDA EE XALLINTA KHILAAFKA GOLAHA... Wasiir Hinda Jaamac Gaandhi Oo Ka Dareen Celisay Xilka Qaadista Uu Madaxwayne Biixi Ku Sameeyay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|