Gaadhi Siday Dad Iyo Xoolo Kasoo Hayaamay Abaaraha Oo Gaadhi Kula Dhacday Duleedka Deegaanka Abaarso Iyo Khasaaraha Ka Dhashay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gaadhi Siday Dad Iyo Xoolo Kasoo Hayaamay Abaaraha Oo Gaadhi Kula Dhacday Duleedka Deegaanka Abaarso Iyo Khasaaraha Ka Dhashay,
August 28, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gaadhi siday qoys iyo xoolahoogii kana soo hayaamay abaaraha baahsan ee ka jira dalka Ayaa saaka aroortii hore gaadhi kula dhacay duleedka deegaanka abaarso Ee Galbeedka Caasimada Hargaysa kaasi oo sobobay khasaare iskugu jira dhaawac soo gaadhay qaarkamid ah qoyskii saarnaa iyo 24neef oo adhiya oo ku dhintay.

Gudoomiyaha haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaran ayaa gurmad deg deg ah ufidiyay iyagoo tagay goobtii shilku ka dhacay islamarkaana gaadhsiiyay deeq raashin iyo lacag iskugu jirta.

Sidoo kale hogaanka ciidanka booliska ayaa iyagu dhankooga gurmad ufidiyay qoyskan oo lagu daad gureeyay iyaga iyo xoolihiiba gaadiidka ciidanka booliska oo geeyay halkii ay kusii jeedeen.

 

COMMENTS
LINKS