|
|||||
WAJAALE NEWS
“Dumarku Inay Siyaasadda Ka Qaybgalaan Diintuna Way Ogoshahay, Ee Waxa Hortaagani Waa Cunfi”Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl.
August 17, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga , Maxamed Kaahin Axmed Shirwaynaha haweenka somaliland ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan in ay dumarku ka qaybgalaan siyaasada kana mid noqdaan golayaasha qaranka. “Dumarku in ay ka qaybqaataan siyaasadda dalka waa arrin in badan lagu dedaalay, oo waydiimo badan la iska waydiiyay. Dumarku in siyaasadda ka qaybgalaan diintuna way ogoshay , ee waxa hortaagani waa cunfi aan diin iyo dhaqan midna ku dhisnayn. Dumarow haddaad qabyaalad rag u kala leexataan, soo biximaysaan, ee codka idinkaa hayee isku codeeya. Xeerkii qoondada haweenku waa idiin ogal yahay in siyaasadda ka qaybgashaan , lacagtii doorashada ee wasaaradda maaliyadu idinka rabtayna xukuumaddu waa idinka dhaaftay , ee dhankiina ka dedaala. Xukuumado koontadii haweenka barlamaanka way gaynaysaa, baarlamaankana waxaan rejaynaynaa in ay ansixiyaan. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Magaalada Berbera Oo la Ceeryoontey Dad Uu Xisbiga Kulmiye kaga Soo Daad Gureeyay Magaalooyinka W... Daawo: Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Gobolka Sanaag Ka Bilaabay Wajigii Labaad Ee Kaadh ... Caasimada Somaliland Oo Lagu Qabtay Tartanka Dhinaca Orodada Ah Oo Caalamiya Iyo Tirada Wadamada K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|