|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Oo Caawa Xidhay Suldaan Cade Gude Oo Kamid Ah Madax-dhaqameedka Somaliland.
August 21, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Ciidamada booliska Somaliland ayaa caawa fiidkii xabsiga utaxaabay suldaan cade gude oo kamid ah madaxdhaqameedka Somaliland islamarkaana Afhayeenka beelaha garxajis xili uu kusii socday gurigiisa oo ku yaala degmada Maxamuud Haybe ee caasimada hargaysa, Majirto wax war ah oo kazoo baxay dhinaca xukuumada iyo sobobta loo xidhay suldaanka toona Dhanka kale Xaaska Suldaan cade Gude oo Goordhawayd warbaahinta lahadashay ayaa ka warantay qaabkii loo qabtay iyadoo sheegtay in ciidamadu gacan saareen suldaan markii uu waydiiyay sobobta loo xidhayo lana geeyay saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|