Xukuumada Somaliland Oo Dadka Ajaanibka Ah Ee Sharci Darada Ku Jooga Dalka Ku Wargalisay In Ay 20Cisho Kaga Baxaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Dadka Ajaanibka Ah Ee Sharci Darada Ku Jooga Dalka Ku Wargalisay In Ay 20Cisho Kaga Baxaan!
July 26, 2022 - Written by Editor:

** Wargalin & Digniin **

Taliska Ciidanka Socdaalka Jamhuriyadda somaliland wuxuu ku wargalinayaa Ajaanibka Sifo Sharci daro ah ku jooga dalka Somaliland in ay kaga baxaan muddo Labatan (20) cisho ah oo ka bilaabma 28/07/2022 ilaa 17/08/2022.

Sidoo kale waxaa lagu wargalinaya shirkadaha, Hayadaha iyo Ganacsata ay ka hawl’galaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyan oo qudha ajaanibka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti).

Waxaa looga digaya goobta ganacsi, shirkad ama haayad ee lagu helo shaqaale bilaa sharci ku jooga dalka jamhuriyadda somaliland oo ka shaqeenaya, in laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan mulkiilaha goobtaas.

COMMENTS
LINKS