Xogo Faah Faahsan: Ciidammada Maraykanka Oo La Wareegay Madaarka Berbera Iyo Shaqaalihii Ka Hawlgalayay Oo La Fasaxay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Faah Faahsan: Ciidammada Maraykanka Oo La Wareegay Madaarka Berbera Iyo Shaqaalihii Ka Hawlgalayay Oo La Fasaxay!
July 4, 2022 - Written by Editor:

Berbera(W,N)- Cutubyo ka tirsan ciidammada millatariga Maraykanka oo ay weheliyaan shaqaale fara badan oo shisheeye ah, ayaa si buuxda ula wareegay gebi ahaanba maamulka iyo gacan-ku-haynta ammaanka Madaarka magaalo-xeebeedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland shalay.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland, balse ilo wareedyo rasmi ah, ayaa xaqiijiyey in ciidammo Maraykanka oo watay shaqaale tiro badan oo ajnebi ah ay la wareegeen Madaarka Berbera shalay.

Warku wuxuu intaa ku daray in dhowr diyaaradood oo kuwa ciidammada Maraykanku leeyihiin ku dageen Madaarka Berbera gelinkii hore ee shalay, kuwaas oo siday boqollaal qof shaqaale ajnebi ah oo u badan Hindi iyo Eeshiyaan qandaraas lagu siiyey inay muddo kooban ku dhisaan dhismeyaal hoy u noqon doona kumannaan ciidammada Maraykanka ah oo saldhig weyn halkaas ka furanaya toddobaadyada soo socda.

Dhammaan shaqaalaha reer Somaliland ee ka hawlgalayey Madaarka Berbera, ayaa lagu amray inay Madaarka ka baxaan, wax yar kadib markii diyaaradaha millateriga ee Maraykanku caga dhigteen garoonka, waxana lagu wargeliyey inay fasax yihiin 12 maalmood oo ka bilaabay Axaddii shalay.

Muddadaas 12ka casho ah ayaa la sheegay in aanay gebi ahaanba Madaarka Berbera geli doonin cid aan ahayn ciidammada Maraykanka iyo shaqaalahooda shisheeyaha ah.

Waxa kaloo ilo-wareedyadu intaas ku dareen, masuulkii dawladda Imaaraadka Carabta u joogay Madaarka Berbera oo ay iyagu dib-u-dhis iyo casriyeyn aad u ballaadhan ku sameeyeen, ayaa isna dalkiisa ku laabtay maalin ka hor intii aanay ciidammada Maraykanku la wareejin garoonka caalamiga ah ee Berbera International Airport.

Sidoo kale, waxa Madaarka Berbera ku degay maanta diyaarado ciidammada Maraykanku leeyihiin oo sida xoguhu tibaaxeen siday qalab millateri oo aad u fara badan, balse aan si cad loo ogeyn noociisa, maadaama gelista Madaarka la mamnuucay muddo laba toddobaad ku dhow.

Dhinaca kale, markab aad u weyn oo alaabooyin u sida ciidammada Maraykanka, ayaa la filayaa inuu Dekedda Berbera ku soo xidho 7da bishan July.

XIGASHO; SUXUFI RASHIID CALI SH,

COMMENTS
LINKS