Xildhibaan Axmed Ciisood Oo Fashiliyay Xildhibaanada Wada Mooshinka Xeerka Midaynta Cashuuraha Iyo Doorka Ay Ku Leeyihiin Kulmiye+Fariinta Uu Udiray Madaxwayne Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Axmed Ciisood Oo Fashiliyay Xildhibaanada Wada Mooshinka Xeerka Midaynta Cashuuraha Iyo Doorka Ay Ku Leeyihiin Kulmiye+Fariinta Uu Udiray Madaxwayne Biixi.
July 9, 2022 - Written by Editor:

“Madaxwayne Xildhibaanada Wada Mooshinta Xeerka Midaynta Cashuuraha, Waxa Ku Jira Xildhibaano Kulmiye Waliba Kazoo Jeeda Bariga Burco Ee Hadii Aanay Wasiirada Ku..”Xil, Axmed Ciisood.

GABILEY(W,N)-Xildhibaan Axmed Ciisood oo katirsan golaha Deegaanka degmada gabiley ayaa ka hadlay xeerka midaynta cashuuraha oo xildhibaano baarlamaanka katirsan golaha horkeeneen iyo sida ciilqabnimada ee ay gabiley iy berbera sida gaarka ah ugu bartilmaameedsanayaan.

Sidoo kale axmed ciisood ayaa sheegay in xildhibaanada mooshinka golaha horkeenay ay ku jiraan xildhibaano xisbi xaakimka kulmiye katirsan islamarkaana kazoo jeeda beesha bariga burco

Dhanka kale axmed ciisood ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay hadii wasiirada kazoo jeeda bariga burco aanay hanan Karin xildhibaanada ay isku deegaanka yihiin ee mooshinkan wada in uu xisbiga ku wareejiyo cida hanan karta xildhibaanadooda isagoo sheegay in Hadii madaxwayne biixi uu arintan talaabo ka qaadi waayo ay reer gabiley u arkayaan in uu qayb ka yahay,’

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS