“Waxaynu Ugu Baaqaynaa Xukuumada Jirta Iyo Kuwa Soo Socdaba In Umadda Loo Raadiyo Aqoonsi Iyo Midnimadooda” Siyaasi Bashiir. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaynu Ugu Baaqaynaa Xukuumada Jirta Iyo Kuwa Soo Socdaba In Umadda Loo Raadiyo Aqoonsi Iyo Midnimadooda” Siyaasi Bashiir.
July 18, 2022 - Written by Editor:

“Maanta Halka Aynu Joogo Maaha Meel Laga Dayriyo, Balse Qofka Wax Dhaliilayaa, Wuxuu Ku Canaanayaa Xukuumada, Halkii Aynu Doonaynay Laynama Gaadhsiin”Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Bashiir Cabdi Xariir oo kamid ah Siyaasiyiinta reer somaliland oo maanta ka hadlayay munaasibadii shaacinta ururka halgan ee Uu Hogaaminayo Cali Guray. Ayaa soo dhaweeyay ururkan cusub ee Halgan oo uu sheegay in uu hogaaminayo siyaasi bisil oo aan meelna marti ku ahayn guud ahaan Somaliland.

Sidoo kale Siyaasi Bashiir ayaa sheegay in dawladihii Somaliland aanay jirin mid burburisay wixii aynu haysanay balse la odhan karo awooda shacabka iyo halkii aynu filaynay in aynu gaadhno aanay gaadhsiinin.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS