|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Wasiirada Maaliyada Iyo Tamarta Ee Dalka Itoobbiya.
July 6, 2022 - Written by Editor:ADIS ABABA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi Oo ay weheliyaan La taliyaha Wasiirka Ibraahim Cali yuusuf iyo Gudoomiyaha Komishanka oo safar shaqo ku joogga Magaalada Addis ababa, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Dawladda Federaalka Itoobiya. Wasiirka iyo wefti uu hogaaminayo ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya Md. Axmed Shide oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxaanay ka wada hadleen sidii ay iskaashiga ka dhexeeya u xoojin lahaayeen labada dawladdood, una abuuri lahaayeen mashaariic ku taxaluqa aaggaga muhiimka iyo faa’idooyin u leh labada dal. Md. Cabdilaahi Faarax Cabdi wasiirka tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu si khaasa dhigiisa maaliyadda ee xukuumadda dalkaasi ugala xaajooday sidii Dawladda Itoobiya iyo Dawladda Somaliland mashaariic dhanka Tamarta ah oo jaban iskaga kaashan lahaayeen, taas bedelkeeda Xukuumadda Somaliland ay diyaarinayso wadiiqooyin iyo bay’ad arrimahaasi ku midho-dhalaan.
Related posts:DAAWO;-Xukuumada Somaliland Oo Go,aamo Kasoo Saartay Khilaafkii Ka Taagnaa Magaalada Tog Wajaale. Khudbadii Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ka Jeediyey Xaflad Ay U Qabteen Mas,Uuliyiin Hore Uga Tirsanaa ... “Gabiley Way Ku Khasaartay Xisbiga Kulmiye Cay, Godob Iyo Tuhun Waxaan Ahayna Kama Ay Dhaxlin”Prof M... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|