|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Safiirka Midowga Yurub Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
July 26, 2022 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ahna Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Midawga Yurub Ambassador Tiina Intelmann oo booqasho joogta Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan waxaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ku wehelinayey Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere, iyada oo kulankan lagaga wadahadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaalada guud ee nabadgelyo ee Geeska Afrika iyo arrimaha gaar ah Somaliland. Si guud waxaa looga wadahadlay arrimaha doorashooyinka, Iskaashiga Midawga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somalilan, sidoo kale waxaa laga wadahadlay dhinaca horuumarka iyo doorka Midawga Yurub ka qaataan. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|