|
|||||
WAJAALE NEWS
Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya Oo Ka Jawaabay Su’aalo Laga Weydiiyey Somaliland
July 19, 2022 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Mr Larry Andre oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta Somaliland Chronicle ayaa ka waramay xaaladda gobolka, isaga oo ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey xaaladda Somaliland. Safiirka oo wax laga weydiiyey dimuqraadiyadda ,nabadgelyadda,doorashooyinkii Somaliland ka dhacay,booqashadii midho dhalka ahayd ee uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tegay dalka Maraykanka,kulanadii uu la yeeshay qaybaha kala duwan ee maamulka iyo sharci dejinta Maraykanka iyo sharciyadii iskaashi ee Gollaha sharci dejinta Maraykanku ansixiyey si ay Somaliland iyo Maraykanku u yeeshaan iskaashi ,waxaanu ku jawaabay in dawladda Maraykanku ay mar walba taageerto dadka Somaliland,waxa uu beeniyey in aanu Maraykanku wax taageero ah u fidin Somaliland, isaga oo tilmaamay in ay Somaliland ka taageeraan mashaariic ay kamid yihiin tababarada saraakiisha Ciidamada ilaaladda Xeebaha ,ka hortago lacagaha sida sharci darada ah loo dhaqo,la dagaalanka argagixisada iyo tayaynta nidaamka fiiseyaasha. Waxa uu sidoo kale sheegay in Maraykanku ka taageero Somaliland mashaariic lagu badhi taaraya maalgashiga,shaqo abuurka iyo cusboonaysiinta tamarta,balaadhinta helitaanka Caddaalada,taageeradda fursadaha waxbarasho,xirfadaha haweenka iyo dhalinyaradda. Safiirka Maraykanka ee Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in tan iyo bishii Oktoobar 2020-kii ay Hay’adda Horumarinta Maraykanka ee Caalamiga ah ee USAID iyo waaxda Arrimaha Dibadda ee xafiiska dadweynaha,Qaxoontiga iyo socdaalku ay bixiyeen lacag ka badan 640 Milyan oo Dollar oo maalgelin bani’aadanimo ah,si loo daboolo baahiyaha dadka Soomaaliland. Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu Maraykanku taageerayo wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya oo uu ugu dambeeyey bishii June 2020-kii oo ay ka dhaceen dalka Jabuuti,kuwaas oo uu sheegay in uu ka qayb galay. Mar la weydiiyey in uu Hargeysa tegaayo Safiirku waxa uu sheegay in uu hore u booqday Hargeysa iyo Berbera 12-kii May,waxaanu cadeeyey in uu jecel yahay in uu Somaliland kusoo noqdo. Safiirka ayaa sheegay in uu la dhacsan yahay guulaha ay Somaliland gaadhey ee dhinaca Dimuqraadiyada iyo nabadgelyadda,waxaanu tilmaamay in uu markii ugu horeysay booqday caasimadda Hargeysa,isaga oo farta ku fiiqay in horumar badan laga gaadhey wixii xilligaas ka dambeeyay dhiancyada horumarinta dhaqaalaha. Dhanka kalena waxa uu Safiirka Maraykanka ee Somaliland iyo Soomaaliya sheegay in uu khadka taleefanka kula hadlay dhawr mar madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi,wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Kayd iyo madaxda xisbiyada,waxa uu sidoo kale xusay in uu xidhiidh la sameeyey jaaliyadda reer Somaliland ee Maraykanka. Related posts:DAAWO ; Sheekh Aadansiira Oo Ka Hadlay Muranka Heshiiska Dekedda Berbera Iyo Cawaaqib Xumada Ay Lee... DAAWO; Xukuumada Somaliland Oo Beesha Caalamka Fariin U Dirtay Wadahadaladii Burburay Ee Somaliland ... Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Eedaha Xukuumadu Usoo Jeediso Ku Tilmaamay Kuwo Lagu Takoorayo Si Yoolk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|