Mareykanka Oo Aqoonsaday Istiraatiijiyadda Ay Leedahay Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mareykanka Oo Aqoonsaday Istiraatiijiyadda Ay Leedahay Somaliland.
July 17, 2022 - Written by Editor:

Washington(W,N)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa soo dhawaysay hindise sharciyeed uu meel mariyay Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Xeerkan oo ah Qorshaha Difaaca ee Mareyknaka uu ku howlgalayo sannadka 2023-ka ayaa horseedi kara in uu iskaashi dhinacyo badan leh dhex maro dowladda Mareykanka iyo Somaliland.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in Baarlamaanka Mareykanka uu aqoonsaday istiraatiijiyadda ay leedahay Somaliland.

Bayaan ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in ay si wayn ugu riyaaqsan tahay hindise sharciyeedkaas lagu meel mariyay Koongareeska.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay u riyaaqday tallaabada uu Golaha Wakiillada Mareykanka ku ansixiyay sharci looga codsanayo wasaaradda arrimaha dibadda in ay daraasayn ku samayso xogna kasoo gudbiso arrimaha la xiriira dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amniga ee ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Somaliland,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Bayaanka ayay sidoo kale wasaaraddu kusoo dhawaysay horumarka laga sameeyay isu soo dhawaanshaha Mareykanka iyo Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si aad uga mahad naqaysaa sida ay Aqalka Wakiillada Mareyknaka uga go’an tahay in la xoojiyo wadashaqeynta Mareyknaka iyo Somaliland,” ayaa lagu yidhi.

Muxuu yahay sharcigan?

27-kii bishii May ee sannadkan ayuu hindise sharciyeedkan mooshinkiisa Aqalka Hor geeyay xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, oo lagu magacaabo Adam Smith, kaas oo laga soo doortay degmo ka tirsan Washington.

Mr Adam oo Golaha xubin ka ahaa tan iyo sannadkii 1997-kii, ayaa codsaday in la meel mariyo xeerkan oo dhigaya in loo kuur galo sidii Somaliland loola kaashan lahaa howlo badan oo uu Mareykanku ka fuliyo Afrika iyo meelo kale.

Hannaan muddo socday kaddib, 14-kii bishan July ayaa hindise sharciyeedka lagu meel mariyay Golaha Wakiillada oo ay shir guddoomiso Nancy Pelosi.

Tallaabada xigta ee hadda lagu howlan yahay ayaa ah in la saxo qodobaynta xeerka, hab qoraalkiisa iyo arrimaha kale ee farsamo ee muhiimka ah.

Guddiga Adeegyada hubaysan ee Congress-ka Mareyakanka, oo magaciisa loo soo gaabiyo “HASC” ayaa hagayay xeerkan iyo marxaladaha uu soo maray.

Waxa ay guddigu sidoo kale Waaxda Gaashaandhigga ee Mareykanka ka codsadeen inay tallooyin ka bixiso sidii loo ballaadhin lahaa wadashaqaynta amni ee Somaliland iyo sida ay suuragal u tahay inay Mareykanka ka caawiso ujeeddooyinkiisa millateri ee Geeska Afrika iyo gobolka ku teedsan Badda Cas.

 

Mareykanka ayaa talis millateri oo baaxad wayn ku leh Afrika, howlaha ugu waawayn ee ay fuliyaanna waxaa ka mid ah la dagaallanka Argagixisada.

COMMENTS
LINKS