Maraykanka Oo Ka Hadlay Colaada Itoobiya Iyo Wada hadalka Xukuumada Abiye Iyo TPLF. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maraykanka Oo Ka Hadlay Colaada Itoobiya Iyo Wada hadalka Xukuumada Abiye Iyo TPLF.
July 30, 2022 - Written by Editor:

Addis Ababa(W,N)-Mareykanka ayaa sheegay inay billaabmayaan wadahadallo nabadeed oo dhexmaraya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Fallaagada TPLF oo muddooyinkii u dambeeyey ku dagaallamayey waqooyiga dalka Itoobiya.

Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay wadahadallada nabadeed oo dhexmarayo labada dhinac inay billaabmayaan doorashada Kenya kaddib.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay Moli Fi oo ka mid ah saraakiisha sare oo Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika waxa ay sheegtay dowladda Kenya oo door muhiim ah ku leh xal u helidda colaadda waqooyiga Itoobiya ka taagan horraanta bisha August waxay martigelineysaa wada xaajoodyadii ugu horreeyey oo labada dhinac dhex mara.

Dalka Kenya oo isku diyaarinaya doorashada guud oo 9-ka bisha August ka dhacaysa wuxuu ka mid ahaa dalalka dadaalka xooggan ugu jiray dhexdhexaadinta labada dhinac uu dagaalka dhiigga badan ku daatay ku dhexmaray waqooyiga dalka Itoobiya.

Mareykanka, Midowga Africa iyo Kenya waxa ay wadeen dadaallo isbarkan ay ku doonayeen inay ku joojiyaan dagaalka Waqooyiga Itoobiya ka qarxay ku dhawaad 20 bilood ka hor.

Labada dhinac ee ay colaadda u dhaxeeysa waxa ay hore u sheegeen iney doonayan inay wadahadallo ay dagaalka ku soo afjarayaan inay yeeshaan.

COMMENTS
LINKS