“Mar Haddii Salaadiintii Iyo Ergadii Dhex-dhexaadintu Meesha Ay Ka Saartay Xukuumadu Sabab Shir Wakhti Lumis Loogu Sii Habsamaa Ma Jirto”Ucid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Mar Haddii Salaadiintii Iyo Ergadii Dhex-dhexaadintu Meesha Ay Ka Saartay Xukuumadu Sabab Shir Wakhti Lumis Loogu Sii Habsamaa Ma Jirto”Ucid
July 13, 2022 - Written by Editor:

Waxaa ay doonayaan uun in Dhawr cisho oo Wakhti lumis ah Sidii Caadada u ahayd oo lagu Kala Reebayo Salaadiinta Iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah ay sii wadaan, taasina Maaha  Mid Anfacaysa Shacbiga JSL iyo Taageerayaasha Xisbiyadda Mucaaradka.

Waayo Dalku Xaalad adag oo Nololeed ayuu Marayaa oo Shacbigu la il-daran yihiin Duruufo Dhaqaale Xumo Sida Sixir-barar,Shaqo la’aan iyo Busaarad keentay in Sadexda Wakhti aan Laba wakhti oo ka mid ah waxba dabka loo Saarin, Cidii Masuuliyadaasi haysayna Waa kuwaa aynu arkayno Tamartooda iyo Masuuliyadooda.

W/Q Xoghayaha Warfaafinta xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi Ayaa sidaasi ku baahiyay warbaahinta

COMMENTS
LINKS