|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliya Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Dalka Turkiga!
July 3, 2022 - Written by Editor:ANKARA-(W,N)- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaadhay dalka Turkiga waxaana Halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mudane Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkan ku sugan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda Iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen. Dhanka kale, Madaxweyne xasan sheikh ayaa waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalkeenna. Related posts:Wasiir Faratoon Oo Sheegay Inay Jiraan Dalal Xiisaynaya Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Fly Dubai Oo Joojisay Duulimaadyadii Ay Ku Iman Jirtay Somaliland Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedada Ka... Maxkamada Gobolka Gabiley 7cisho Oo Rumaan Ah Ujartay Saraakiil Katirsan Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|