|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Bahda Garsoorka Somaliland Iyo Eheladii Uu Ka Baxay Marxuum Sh Cali Cabdi Guuleed oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
July 2, 2022 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 02/07/2022 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda garsoorka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cali Cabdi Guuleed (Qaxar) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 02/07/2022, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey muwaadin u soo shaqeeyey qarankiisa, tacab iyo horumar badana geliyey garsoorka Dalka, isagoo ahaa garsoorihii hore ee Maxkamada sare ee Dalka. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda garsoorka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH
Related posts:DAAWO;-Shirkada Telesom Oo Qaadhaan Lacageed Oo ah $840,000.00 (Siddeed Boqol Iyo Afartan Kun Oo Dol... Maraykanka Oo Madaxweyne Siilaanyo U Soo Diray Warqad Isugu Jirta Eedayn, Digniin Iyo Hanjabaad Iyo ... Dawlada Emaraadka Oo 2800Qof Ee Uhoreeyay Bilowday In Ay Dalalkoodii UDaad Gurayso Iyo Somalida Oo Q... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|