Madaxwayne Geele Oo Cayimay Wakhtiga Uu Ka Dagayo Talada Dalka Iyo Xaalada Siyaasadeed Ee Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Geele Oo Cayimay Wakhtiga Uu Ka Dagayo Talada Dalka Iyo Xaalada Siyaasadeed Ee Itoobiya.
July 21, 2022 - Written by Editor:

Jabuuti(W,N)-Muddo 23 sanno ah ayuu Ismaaciil Cumar Geelle xukumayay dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin shacab tiradoodu dhan tahay hal milyan oo qof, balse hadda waxa uu ku dhawaaqay waqtiga uu ka dagayo xilka.

Wareysi gaar ah oo uu Madaxweyne Geelle siiyay BBC-da ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, kobaca, halista kooxaha jihaad doonka ah, xidhiidhka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.

Ismaaciil Cumar Geelle waddankiisa waxa uu biriij uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika.

Balse dadka kasoo hor jeeda waxa ay maamulkiisa ku qeexeen mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin.

Wariyaha BBC-da, Nicolas Négoce, oo wareystay Madaxweynaha Jabuuti ayuu u sheegay in uu xilka wareejin doono sannadka 2026-ka, oo ku beegan marka uu dhammaado muddo xileedka hadda u socda.

Taas ayaa ka dhigan in Geelle aanu mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso.

Mar uu ka hadlayay heerka faqriga ayuu yidhi: “Wax roob ah ma aannaan helin muddo saddex ilaa afar sanno ah. Ma jiraan beero. 6% ilaa 8% kobac dhaqaale ah kama yimaado meel cidlo ah. Waxa uu ka yimaadaa shaqo joogto ah oo aan u hayno sidii aan u cidhib tiri lahayn faqriga iyo Gaajada.”

Khatarta Al-Shabaab

Dhinaca khatarta kooxaha loogu yeedho argagixisada ayuu sidoo kale ka hadlay madaxweynaha Jabuuti, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray hadal hal sanno ka hor uu yidhi hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Cumar, oo ku baaqay in la weeraro Mareykanka iyo Faransiiska saldhigyada ku leh Jabuuti.

Waxa uu sheegay in dowladdiisu ayna halis gooni ah dareemeynin.

“Mar walba waan isdifaaci doonnaa. Way odhan karaan wax kasta oo ay rabaan balse annagu waan kasoo hor jeednaa qalalaasaha, argagixisada, xagjirnimada iyo wax walba oo wax u dhimaya xornimadeenna iyo xornimada dadka kale,” ayuu yidhi.

Waxaa kale oo Geelle wax laga waydiiyay sida loo sii xoojin karo xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya, maadaama uu bishii June Muqdisho uga qayb galay caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dhawaanna uu madaxweynaha Soomaaliya qudhiisa booqday Jabuuti.

 

“Waligeed ma jirin caqabad noo dhaxaysay annaga iyo Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2000. Waxaan ka mid nahay taageerayaasha tirada yar. Waligeen kama aannaan cago jiidin, mar walbana waan taageeri jirnay [Soomaaliy] si ay dowladnimadooda usoo ceshadaan.”

Dhanka kale, mar uu ka hadlay xasaradda Itoobiya waxa uu sheegay in ay socdaan dadaallada dib u heshiisiinta, ayna rajaynayaan in ay natiijo fiican kasoo baxdo.

“Itoobiya way badbaadi doontaa. Annagu waxaan mar walba u xusul duubaynaa in la helo Itoobiya mideysan oo horumarta,” ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti.

COMMENTS
LINKS